Xildhibaan Xasan Shiikh oo markii ugu horeysay iska xaadiriyey fadhiga Baarlamanka Somalia

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ahna Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka ayaa markii ugu horeysay ka qeyb galay fadhiga Baarlamaanka Federaalka.

Kulanka maanta oo ka duwanaa kuwii hore ayaa waxaa ka qeyb galay tiradii ugu badneyd ee fadhi caadi ah timaado, waxayna gaartay 178 Xildhibaan, waxaana maanta la filayaa in lasoo gabagabeeyo dooda kulul ee ku saabsan wax ka bedelka xeer hoosaadka Golaha Shacabka.

Xasan Sheekh oo Muqdisho dib ugu soo laabtay dhamaadkii bishii August, muddo laba sano ku dhowna ahaa xildhibaan dastuuri ah ayey noqoneysaa markii ugu horeysay ee uu xaadiro fadhiga Baarlamaanka.

Xasan Sheekh  ayaa Maalinta berri ah lagu wadaa in loo caleemo saaro isbaheysi xisbiyo mucaarad ah oo la baxay UPD kuwaasoo muddo lix bilood ah uu si KMG ah u hoggaamin doono.

Qodob ka mid ah dastuurka federaalka Somalia ayaa dhigaya in Madaxweyne kasta oo xilka ka dega uu noqonayo xildhibaan ka tirsan baarlamanka oo aan cod laheyn, uuna sidoo kale leeyahay inta uu nool yahay xuquuq isugu jirta mushahar iyo gunooyin uu noloshiisa ku maareeyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -