Madaxweyne Farmaajo oo hambalyo u diray dhigiisa cusub Barham Saalix

Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed C/llaahi Maxamed Farmaajo ayaa u hambalyeeyay Madaxweynaha cusub ee Dalka Ciraaq Barham Saalah.

Farmaajo ayaa u rajeeyay Madaxweyne Barham inuu xilkiisa ilaahay la garab galo, isla markaana shacabweynaha dalkaasi uu u noqdo mid ay mahdiyaan.

Madaxweynaha cusub ee dalka Ciraaq Barham Saalah ayaa ah siyaasi caan ka ah Dalkaas, isla markaana ka tirsan Xisbiga Kurdida ee Patriotic Union of Kurdistan.

Xildhibaanada Baarlamanka Ciraaq oo ka kooban 329 xubnood, 220 ka mid ah waxay codkooda siiyeen hoggaamiyaha cusub ee dalkaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -