Xiisad ka taagan garoonka Aadan cadde & Shaqaale careysan oo ku dhaqaaaqay shaqo joojin

Xiisad ka dhalatay shaqo ka eryid lagu sameeyay madaxa qeybta hagista diyaaradaha Garoonka Aadan cadde ayaa saameyn ku yeelatay maanta howlihii shaqo ee Garoonka.

Shaqaalaha Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, gaar ahaan qeybta kala hagista diyaaradaha (Marshal) ayaa ku dhaqaaqay shaqo joojin, kadib markii shaqadda laga eryay madixii qeybtaasi ninka lagu magacaabo Farxaan Black.

Wararka ayaa sheegay in arrintan ay timid kadib markii shilal fudud ay ka dhaceen gudaha garoonka, ayna istaabteen labo diyaaradood, waxaana arrintan eedeeda dusha loo saaray madaxa hagista.

Shirkadda Turkiga ee gacanta ku heysa maamulka Garoonka Muqdisho ay shaqada ka ceyrisay Farxaan Black taasoo keentay in Shaqaalaha qeybta hagista Garoonka Aadan Cadde oo gaaraya 10 qof ay la saftaan ninka madaxda u ahaa ee shaqada laga eryay, iyadoo sheegay inay ka tegayaan shaqada, waxayna wararku sheegayaan in shirkadda aysan wax debecsanaan ah u muujin.

Shaqo joojintan oo soo bilaabatay shalay ayaa waxaa la sheegay iney ka dhalatay xaalad adag ka dib markii la waayey cid hagta dayuuradaha soo fadhiista garoonka, waxaana si kmg ah loogu dhiibay howshaas askari ka tirsan ciidanka AMISOM oo aan khibrad u laheyn shaqadaas.

Shirkadda Favori LLC ee gacanta ku heysa garoonka Aadan cadde ayaa lagu eedeeyaa iney si qalafsan oo naxariis daro ah ula dhaqanto shaqaalaha Soomaalida ee hoos taga oo marar badan cabasho xoogan ka muujiyey, iyagoo taas bedelkeedna maamuusa shaqaalaha ajnabiga ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -