Taliyihii sirdoonka Al-Shabaab ee gobolka Sh/hoose & ilaaladiisa oo la qabtay

Ka dib howlgalo amniga lagu xaqiijinayo oociidanka Xoogga dalka ka sameeyeen degaanka Janaale iyo nawaaxigiisa ayay ku soo qabteen taliyaha sirdoonka Al-shabaab u qaabilsanaa gobolka Sh/hoose iyo labo nin oo ilaalo u ahaa sida ay sheegeen saraakiisha ciidamada DF.

Ninkan ayaa lagu magacaabaa Xasan Suleyt magaciisa afgarashada ayaa loogu yeeraa (Xasan Ganey), iyadoo warkan lagu faafiyey warbaahinta DF

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogg Dalka S/Guuto Cabdixamiid Maxamed oo ku sugan degaanka Janaale ayaa sheegay sarkaalkan ay ciidanka xoogga dalka ka soo qabteen Janaale isagoo dhuumaaleysanaya kadib xog ay ka heleen dadka degaanka.

Taliyaha ayaa tilmaamay in haatan ay korortay wada shaqeeynta ciidanka iyo dadka degaanka taasoo buu yiri suuragalisay in cadawga laga helo xog badan lana soo qabto saraakiil iyo maleeshiyaad sida uu warka u dhigay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -