Xisbi ay hogaaminayaan Madaxda dowlada Somalia oo Muqdisho looga dhawaaqayo

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka xukuumadda Soomaliya Mahdi Maxamed Guleed Qadar ayaa maanta booqday xarunta Guddiga madax banan ee Doorashooyinka Qaranka.

Wuxuu sheegay inuu halkaasi u tegay inuu ka soo qaato xeerka axsaabta iyo sharuudaha Diiwaangelinta xisbiyada Siyaasada Dalka, si ay u waafajiyaan Dastuurka iyo sharciga Xisbiga cusub ee madaxda Dowladu ku dhawaaqi doonaan.

Xisbiga Nabad iyo Nolol ee madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa la sheegay inay ku jiraan inta badan Golaha xukuumadda iyo xildhibaano badan, waxaana la filayaa in dhowaan lagu dhawaaqo.

Siyaasiyiin hore oo uu ka mid yahay madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo dhawaan magaalada Muqdisho dib ugu laabtay ayaa ku dhawaaqay xisbi siyaasadeed loogu magacdaray Xisbiga Midowga Nabada iyo Dimuqraadiyadda, waxaana taasi laga dheehan karaa xaaladda siyaasadeed ee dalka oo xisbiyada ay iminka ku howlan yihiin doorashada sanandka 2021-ka ka dhici doonta Soomaaliya.

Dadka qaar ayaa aaminsan in dowladda federaalka ay iminka ku mashquushay sidii dib loogu soo dooran lahaa, taasoo xeeldheerayaashu leeyihiin waxay dowladda ka mashquulineysaa inay wax ka qabato ammaanka dalka, dhisida ciidan qaran, dib u heshiisiinta, dib u eegista dastuurka, kobcinta maamul goboleedyada curdunka ah iyo qodobo kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -