Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Wasaaradda Maaliyada Puntland oo soo rogtay Canshuur ka yaabisay dad badan

Wasaaradda Maaliyadda Dowlad goboleedka Puntland ayaa shaacisay lacago canshuuro ah lagu soo rogay lamaanaha is furaya.

Wasiirka Maaliyadda Puntland C/llaahi Siciid Caarshe ayaa sheegay in lacag dhan $20 Dollar oo canshuur ah ay ku waajibtay nin kasta oo xaaskiisa furaya ee soo raaciya warqadda dalaaq-muujinta ah.

Caarshe ayaa hadalkan ka sheegay munaasabad lagu daahfuray qabyo-tirka Xeerka Cashuuraha Moorka, isagoo intaas ku daray in sharcigan canshuurta lagu soo rogay ragga furaya xaasaskooda uu dhaqan galayo.

Go’aankan ayaa ka yaabiyey dad badan oo ku dhaqan degaanada Puntland wuxuuna ku soo beegmay xili shaqo la’aan baahsan iyo sicir barar xoogan uu ka jiro degaanadaas taasoo sabab u noqotay iney burburaan qoysas badan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidanka dowladda oo gacanta ku dhigay Sargaal katirsan kooxda Al Shabaab (Sawirro)

Cabdi Cade

Dhacdo argagax leh: Haweeney caawa dishay seygeeda oo ahaa Macalin Dugsi Quraan

Caydiid Ali

Shir ka furmaya Sacuudiga oo la qaadacay & sumcada Max’ed bin Salman oo dhulka gashay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---