Somalia oo heshiis caalami ah ku saxiixday Xarunta Qaramada Midoobay ee New York?

Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Marwo Deeqa Yaasiin ayaa Magaalada New York ee dalka Mareykanka maanta ku saxiixday ka mid noqoshada Soomaaliya ee Qaraarka Qarammada Midoobay ee Xuquuqda Dadka Naafada ah.

Soomaaliya ayaa noqoneysa Dalka 178-aad ee saxiixa Qaraarka Qaramada Midoobay ee Xaquuqda Dadka Naafada ah, iyaddoo Dawladda Soomaaliya u istaagtay ilaalinta xuquuqda dadka naafada ah.

Talaabadan ayaa daba socota go’aan ka soo baxay dhowaan golaha wasiirada xuikuumada Somalia oo sheegayey in Somalia ay saxiixdo Qaraarka Qarammada Midoobay ee Xuquuqda Dadka Naafada ah.

Soomaaliya oo ka mid ah dalalka ka soo kabanaya dagaalada sokeeye ayaa waxaa ku nool kumanaan naafo ah oo isugu jira kuwo lixaadkooda ku waayey colaadihii ka dhacay dalka iyo qaar ka dabiici ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -