Ra’isul Wasaaraha Somalia oo ku dhawaaqay qorsheyaal ka dhan ah Al-Shabaab

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Roobe ayaa sheegay in dowladda la imaaneyso qorsho lagula dagaalamayo Al-Shabaab.

Rooble oo hadal maanta ka jeediyay munaasabad lagu qabtay Tiyaatarka Qaranka oo xus iyo duco loogu sameeynayay dadkii ku dhintay qarixii 14-kii Oktoobar 2017 ka dhacay Isgoyska Soobe ayaa intaas ku daray in Shabaab adeegsadaan fikir ay dadka ku dhibaateeyeen, dowladdana  loo baahan yahay inay la timaado qorshe farsameysan oo looga hortegi karo weerarada Al-Shabaab.

Waxaa uu sheegay in Gawaarida ay ku fuliyaan weerarada qaraxyada ah ay ka helaan dad Walaal ah ama ehel ah oo ay ka qaataan, loona baahan yahay in xooga la saaro sidii gaadiidkaas loo ogaan lahaa dadkii ay ka helaan.

Ra’iisal wasaaraha Maxamed Xuseen Rooble waxaa uu ka dhawaajiyay in dowladdu ay u howlgaleyso xoojinta xiriirka ka dhexeeya ciidamada iyo shacabka, isla markaana  la sameyn doono  kormeero joogto ah oo qeyb ka ah habsami u socodka waxqabadka ciidamada.

“Shacabka Soomaaliyeed waxaan ugu baaqayaa inay Ciidamada Ammaanka kala Shaqeeyaan sugida Amniga iyo ka hortagga weerarada Al-Shabaab si dadka nabad ugu wada noolaadaan” ayuu yiri Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Roobe.

Madaxda Soomaalida ayaa caan ku ah sheegitaanka balan qaadyo aysan fulineynin oo ay ugu horeyso iney ku dhawaaqaan dagaal Al-shabaab  looga sifeynayo dalka

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -