Xubno katirsan kooxda Jamaat-ul-Mujahideen oo xukun dil ah lagu riday

Xubno katirsan kooxda Jamaat-ul-Mujahideen oo laga mamnuucay dalka Bangaladesh ayaa xukun dil ah lagu riday, kadib markii lagu helay in ay ku lug lahaayeen weerar dad badan oo ajaaniib lagu dilay oo ka dhacay magaalada Dhaka.

Maxakamadda u gaar ah falalka argagixiso oo ku taalla dalka Bangladesh ayaa xukun dil ah ku riday 7-xubnood oo katirsan kooxda  mintidiinta ah ee Jamaat-ul-Mujahideen , kooxdan ayaana lagu helay fulinta weerar argagaxiso.

Dacwad oogeyaasha ayaa  sheegay ina eedaha loo heystay toddobada qof ee mintidiinta ah lagu caddeeyey, waxa ayna xuseen in wax shaki ah ku jirin dambigaasi lagu soo eedeeyay xubnahan la xukumay.

Shan nin oo katirsanaa kooxda Jamaat-ul-Mujahideen ayaa weerar ku qaaday  1-dii July 2016 maqaayad kutaala magaalada Dhaka ee caasimada dalka Bangaladesh, waxaana weerarkaasi lagu dilay 22-qof oo u badnaa ajaaniib reer Galbeed ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -