Maamul goboleed ka carooday hadal uu jeediyey guddoomiyaha Gobolka Banaadir

Dowlad goboleedka Hirshabelle ayaa ka soo horjeestay hadal ka soo yeeray gudoomiyaha gobolka Banaadir Eng. Yariisow oo ahaa in la balaarinayo xadka magaalada Muqdisho lana gaarsiinayo degmooyinka Balcad iyo Afgooye.

Eng. Yariisow ayaa hadalkan sheegay ka dib kulan uu la qaatay Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuduudaha iyo Federaalka.

Afhayeenka dowlad Goboleedka Hirshabeelle Daa’uud Xaaji Ciro oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in hadalka ka soo yeeray Maamulka Gobolka Banaadir uu dhaawacayo Dastuurka dowlada Goboleedka Hirshabeelle, kaasoo dhigaya in degmada Balcad ay ka tirsan tahay gobolka Sh/dhexe.

“Ballaarinta caasimadda Muqdisho iyo in lagu daro degmada Balcad waxay ka hor imaaneysaa Dastuurka Hirshabeelle, waxaana cabashadaas Madaxda dowlad Goboleedka Hirshabeelle u gudbiyeen Guddiga Aqalka Sare” ayuu yiri Daauud Xaaji Cirro.

Waxaa uu sheegay inaan marnaba la aqbali Karin qorshaha maamulka gobolka Banaadir uu ku doonayo dhul balaarsiga, isagoo xusay ineysan haatan jirin sabab keeni karta balaarinta caasimada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -