Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

(Daawo Video) Wasiirad reer Yurub ah oo ka yaabsatay Madaxda fadhigii golaha guud ee QM

Wasiirka arrimaha dibadda iyo ee wadanka Austria haweeneyda la yiraahdo Karin Kneissl ayaa fadhigii golaha guud ee Qaramadda Midoobay khudbad ay ka jeedisay waxay ku ku akhrisay luqadda Carabiga, taasoo ka yaabisay madaxdii dhegeysaneysay.

Karin ayaa ku bilowga khudbaddeeda luuqadda Carabiga ku saleysay maaddaama Carabiga yahay mid ka mid ah lixda luuqaddood ee Qaramadda Midoobay looga hadal jeediyo.

Waxay kaloo ku sifeysay in Carabigu yahay luuqad fac weyn oo ilbaxnimadii adduunka qayb ka ahaa.

Karin waxay xustay in Carabiga ay baratay xilli ay ku nooleyd dalka Lubnaan oo waliba dagaal sokeeye uu ka aloosnaa waqtigaas. Sidoo kale waxay sheegtay in ay ku baratay magaalada Viena ee caasimadda Austria.

Arrinta xiisaha yeelatay ee aadka loo hadal hayo ayaa waxay tahay in wasiir reer Austria ay Carabi ku jeedisay khudbad, halka wasiiradda dalalka Carabta qaarkood luuqaddaha Faransiiska ku jeediyeen khudbadahoodda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Raisul Wasaarihii hore ee Itoobiya & afhayeenka ONLF oo Addis ababa ku kulmay (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Tirada khasaaraha Dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhashay rabshadaha Laascaanood oo la Shaaciyay

Cabdi Cade

Rooble iyo Madaxda Galmudug iyo Hirshabelle oo la kulmay Ganacsato (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade