Qarax ismiidiimaan ah oo goor dhow ka dhacay Magaalada Muqdisho (Daawo Sawirro)

Qarax aad u weyn ayaa goor dhow abaarihii 12:00pm duhurnimo ee maanta waxaa uu ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Qaraxan oo daryankiisa laga maqlay meelo badan ayay wararka qaarkood sheegayaan in loo adeegsasaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyey kaasoo lala beegsaday kolonyo ay wateen ciidamo Talyaani ah oo marayey isgoyska Ex-Kuliyaddii Jaalle Siyaad ee Wadada Warshadaha oo sidoo kale aargadada looga leexdo wadada gasha degmada Dayniile.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in Mid ka mid ah gaadiidka ay wateen ciidamada Talyaaniga uu ku gubtay, kuna burburay qaraxaas uu geystay khasaare nafeed oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana xiran goobta iyadoo ciidamada amaanka iyo dad shacab ah ay halkaas buux dhaafiyeen.

La soco wixii soo kordha.  

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -