Allbanaadir.com
NEWS

Wasiir Carbeed oo tagay Hargeysa iyo Madaxweyne Biixi oo la kulmay (Daawo Sawirada)

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley wasiir ku xigeenka arrimaha dibeda dalka Masar, Mr. Xamdi Sanad Luza oo booqasho ku jooga magaalada Hargeysa.

Waxaana kulankaasi lagaga wada hadlay adkaynta xidhiidhka Somaliland iyo dalka Masar, taariikhda faca-weyn ee ay wadaagaan labada dhinac, arrimaha ganacsiga, xoolaha iyo kalluunka, waxbarashada iyo isdhex-galka xidhiidhka labada shacbi.

Sidoo kale waxa uu madaxweynuhu uga mahadnaqay dawladda Masar taageerada ay Somaliland ka siiso waxbarashada gaar ahaan dhinaca macalimiinta u hagarbaxday sidii ay ardayda Somaliland wax u bari lahaayeen.

Waxaana Kulankaa madaxweynaha ku wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka  Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), wasiirrada horumarinta caafimaadka, xannaanada xoolaha iyo horumarinta kalluumaysiga, wasiir ku xigeenka arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ah.

Dhinaca weftigan waxa wasiir ku xigeenka ku wehelinaayey, safiirka dalka aynu jaarka nahay u fadhiya Masar, Amb. Maxamed Nasr iyo kaaliyaha wasiirka arrimaha geeska ee dalkaasi Masar, Amb. Mohamed Karim Sharif. Waxaanay weftigu dalka ku sugnaan doonaan maalmo kooban iyagoo booqan doona goobo kala duwan oo muhiima.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada Somalia oo raali gelin ka bixisay falkii ka dhacay Garoonka Aadan cadde (Akhriso)

Caydiid Ali

Madaxweyne Deni oo Magacaabay Labo Gudoomiye iyo ku xigeen cusub (Akhriso)

Caydiid Ali

Doodda xiiso badan oo dhexmartay  Dowladda & Mucaaradka (wada sheekeysi ama isu-gar-naqsi )

admin
Taboola Ads ---