Allbanaadir.com
NEWS

Muqdisho: Gacan ka hadal ka dhashay kursi lagu murmay oo dhimasho & dhaawac sababay

Dagaal la isku adeegsaday baanagado iyo midiyo oo caawa ka dhacay degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho.

Waxaa caawa dagaal la isku adeegsaday mindiyo iyo baangado uu ka dhacay xaafada Siisii ,gaar ahaan afaafka hore ee Masjidka Muumino Ceelbuur.

Dagaalka ayaa la sheegay in uu ka bilowday muran ka dhashay maqaayad shaaha laga cabo, gaar ahaan kursi la isku qabsaday , waxaana dhinacyada isku dhacay u kala yimid gurmadyo.

Inta la xaqiijiyay hal qof oo kamid ahaa dadkii dagaalamay ayaa dhintay, halka mid kalana dhaawac soo gaaray, waxaana la xiray qaar kamid ah dadkii dagaalka ku lugta lahaa.

Magaalada Muqdisho iyo guud ahaan dalka waxaa mararka qaarkood ka dhaca gacan ka hadal ka dhasha waxyaabo aan macno badan laheyn kuwaasoo aakhirkii sababa dhimasho iyo dhaawac aan loo baahneyn

Related posts

Golaha Guud ee Qaramada Midoobay oo soo saaray go’aan ka dhan ah Israel

Caydiid Ali

Askari dil iyo dhaawac ka geystay deg. Belad-xaawo oo gacanta lagu dhigay

Caydiid Ali

War Deg Deg Ah: Weerar Caawa lagu qaaday Guriga uu Muqdisho ka degan yahay C/Raxmaan Cabdishakuur

admin
Taboola Ads ---