Allbanaadir.com
NEWS

War Deg Deg Ah: Weerar Caawa lagu qaaday Guriga uu Muqdisho ka degan yahay C/Raxmaan Cabdishakuur

War goordhaw kusoo dhacay Warqabadaka Shabakada Allbanaadir.com ayaa sheegaya in caawa ciidamo aad u hubeesan oo katirsan Dowlada Soomaaliya weerar ku qaadeen Guriga uu Muqdisho ka degan yahay Siyaasiga C/Raxmaan Cabdishakuur.

Rasaas xoogan ayaa laga maqlay Guriga Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo kuyaala agagaarka Hotelka Jaziira, waxaana la sheegay Ciidamo afka u xiran in ay gudaha u galeen guriga Siyaasigan.

Ciidamo katirsan Dowlada gaar ahaan kuwa afka u xiran ayaa ku sugan guriga C/Raxmaan Cabdishakuur, waxaana warar aan helnay sheegayaan in ciidamada halkaasi ka xireen dad ku sugnaa gurigaasi oon la ogeyn waxa uu yahay.

Lama oga Khasaaraha ka dhashay rasaasta laga maqlay Guriga Cabdiraxmaan Cabdishakuur, waxaan sidoo kale war laga heyn in la xiray iyo in kale siyaasigan caawa la weeraray.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa kamid ahaa Siaasiyiinta dowlada Soomaaliya mucaaradka ku ah kana shaqeenayay in xilka laga qaado Madaxweyne Farmaajo, waxa uuna Siyaasigan marar badan eedeyn usoo jeediyay Madaxda dalka ugu sareysa.

Waxii Warar ah ee kusoo kordha warkan kala soco Wararkayaga dambe Insha Allah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Agaasime Mahad Salaad oo kormeeray qeybo ka mid ah Muqdisho (Sawirro)

Caydiid Ali

Farmaajo oo Xilka ka qaadaya Cumar Finish iyo labo shaqsi midkood oo lagu bedelayo !!

Cabdi Cade

Nin ku dhalay 550 caruur ah shahwad ku deeqis oo Ammar adag la siiyay !

Cabdi Cade
Taboola Ads ---