Allbanaadir.com
NEWS

Ciidanka SSC Khaatumo oo shaqsiyaad ku xirxiray Magaalada Laascaanood

Ciidanka amniga SSC-Khaatumo ayaa hawlgallo lagu xaqiijinayo amniga ka sameeyay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool

Sida ay sheegeen saraakiisha amniga SSC Ciidanka ayaa hawlgalkooda ku qabtay shakhsiyaad ku eedaysan in aysan u hoggaansamin nidaamka dowliga ah.

Saraakiisha Ciidanka Xasilinta ayaa tilmaamay in hay’adaha garsoorka loo gudbin doono shakhsiyaadka ay ku soo qabteen hawlgalladan si sharciga loo mariyo.

Ma qeexin saraakiisha waxyaabaha lagu eedeynayo shaqsiyaadka ay soo xireen, balse waxay xuseen iney sii wadi doonaan howlgalada amaanka lagu xaqiijinayo.

Ciidanka ayaa sidoo kale maalmahan qoryaha ka xereeyay qaar kamid ah dhalinyarada Laascaanood oo qoryahooda la dhex marayay magaalada.

Dhinaca kale, Hoggaamiyaha Golaha Fulinta SSC-Khaatumo Cabdulqaadir Axmed Awcali (Fardhiye) ayaa markii u horraysay tan iyo intii la doortay marti qaad rasmi ah ka helay Villa Somalia.

Sida ay xaqiijinayaan warar lagu kalsoon yahay Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa magaalada Muqdisho ku casumay Hoggaamiye Firdhiye.

Related posts

Xisbullah oo ku dhowaad 100 gantaal ku weerartay Israel

Caydiid Ali

Saraakiil booqatay degaano laga saaray Al shabaab (Sawirro)

Caydiid Ali

RW Khayre oo booqday goob lagu xusuusto halgamayaasha waddanka Imaaraadka Carabta (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---