Askari dil iyo dhaawac ka geystay deg. Belad-xaawo oo gacanta lagu dhigay

Ciidamada Dowlada ee ku sugan degmada Belad-xaawo ee gobolka Gedo ayaa gacanta ku dhigay askari dad shacab ah u geystay dil iyo dhaawac.

Askarigan ayey wararku sheegayaan inuu rasaas ku furay mooto ay bajaaj ay la socdeen dad shacab ah oo mareysay gudaha degmada Belad-xaawo, iyadoo sababta ku dhalisayna aan la ogeyn.

Rasaasta ayaa waxaa ku naf waayey darawalkii Mootada, halka ay ku dhaawacmeen haweeney iyo Ilmo yar oo mootada la socday, kuwaasoo la dhigay goobaha Caafimaadka sida ay sheegayaan wararka naga soo gaaraya degmadaas.

Askariga falka geystay oo isku dayey inuu baxsado ayaa gacanta ku dhigay ciidamo ka dhowaa goobtaas oo ku soo baxay rasaasta dhacday.

Saraakiisha laamaha amniga Belad-xaawo ayaa sheegay in askariga falka geystay uu xiran yahay, dhowaana la soo taagayo maxkamad si loo mariyo ciqaabta uu mudan yahay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -