Dowlada Soomaaliya oo shaacisay in la gaaray Xiligii Farmaajo ka dagi lahaa Hargeysa

Raisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed oo Wareysi siiyay Idaacada BBC-da ayaa sheegay in dowlada Federaalka ay ka shaqeeneyso sidii loo bilaabi lahaa wadahadaladii dowlada Soomaaliya iyo maamulka Somaliland.

Waxa uu sheegay Mahdi Guuleed in Xukuumada Soomaaliya ay sameesay jadwal iyo qorshe ku aadan wadahadalada , waxa uuna xusay in wadahadalada ay u hakadeen Doorashadii Somaliland lana doonayo in mar kale dib loo bilaabo.

Raisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed ayaa wareysiga uu bixiyay ku sheegay in madaxweyne Farmaajo xiligan diyaar u yahay in uu ka dego magaalada Hargaysa isaga oo wata calanka Soomaaliya.

Mahdi ayaa sheegay in la gaaray xiligii Farmaajo ka dagi lahaa magaalada Hargeysa si uu wadahadalo ula furo madaxda maamulka Somaliland, waxa uuna tilmaamay in xiligii 1960-kii aysan jirin cid labada dhinac isku keentay balse Soomaalinimo isugu yimaadeen.

Wadahadalada Soomaaliya iyo Somaliland ayaa soo bilowday sanadkii 2012-kii , hasa ahaatee wadahadaladaasi ayaa hakad galay sanadihii lasoo dhaafay, waxa ayna ku guul dareesatay dowlada Farmaajo hogaamiyo in dib loo bilaabo wadahadaladaasi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -