Sheekh Shariif oo Muqdisho kusoo laabtay xili xiisad siyaasadeed jirto

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed kana mid ah musharaxiinta mucaaradka ee kasoo horjeeda Madaxweynaha Waqtigiisu dhamaaday ee Farmaajo ayaa dib ugu soo laabtay Muqdisho.

Sheekh Shariif ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku maqnaa dalka dibadiisa, waxaana garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kusoo dhaweeyay Xildhibaano iyo siyaasiyiin katirsan Xisbiga uu Hogaamiyo ee Himilo Qaran.

Madaxweyunihii hore ee Soomaaliya ayaa la filayaa in uu tago aaga mirinaayada ee degmada Cabdicasiis halkaas uu dhawaan u guuray, waxaana intii Shariif ka maqnaa Muqdisho ka dhacay dagaalo u dhaxeeyay Ciidamka DF iyo kuwa musharaxiinta taabacsan.

Dib u soo laabashada Sheekh Shariif ee magaalada Muqdisho ayaa kusoo aadeysa xili xiisadii dagaal ee ka jirtay Muqdisho qabowday balse wali taagan tahay xiisad siyaasadeed lana filayo in Xildhibaanada golaha shacabka ka laabtaan mudo kororsiga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -