Gabar Ardayad ah oo maanta lagu dilay Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Kooxo biskoolado ku hubeesan oo watay mooto bajaaj ayaa maanta gabar yar oo ardayad ah waxa ay si bareer ah ugu dileen agagaarka hotelka Guuleed ee kuyaala degmada Yaaqshiid .

Gabadha la dilay oo 14-sano jir aheyd ayaa lagu magacaabayay Caa’isho Cali Saneey , waxaana la sheegay xiliga la dilayay gabadhan yar in ay ka timid iskuul ay dhiganeesay kuna sii jeeday gurigooda.

Fartuun Abuukar Suubiye oo ah hooyada dhashay gabadha la dilay ayaa sheegtay in koox wadatay Mooto bajaaj ay gabadheeda jiid jiideen kadibna dhoor xabadood ku dhufteen goobtaasi ugana tageen iyada oo dhaawac ah balse markii dambe Isbitaal ku geeriyootay.

Hooyo Fartuun ayaa sheegtay in aysan wali garaneyn sababta loo beegsaday loona dilay gabadheeda oo 14-sano jir aheyd, waxa ayna sheegtay xiliga la dilayay gabadheeda in ay ka timid iskuul ay dhiganeesay.

Dilka gabadhan ardayada ah loo geestay maanta ayaa imaaneysa xili dhawaan magaalada Muqdisho ciidamo katirsan Milatariga Soomaaliya ku dileen gabar 9-sano jir aheyd oo xiliga la dilayay katimid Iskuul ay dhiganeesay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -