Allbanaadir.com
NEWS

Shaqaalaha dowlada Somalia oo beri ka maqnaan doona xafiisyada & Sababta ka dambeysa

War ka soo baxay Wasaaradda Shaqada iyo arrimaha Bulshada Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu wargeliyay shaqaalaha Dowladda iyo shaqaalaha gaarka ah intaba in maalinta berito oo ku beegan Tallaado 1-da bisha May iney tahay maalin fasax ah.

Wasaaradda shaqada iyo arrimaha Bulshada ayaa waxay uguĀ  hambalyeyneysaa dhammaan shaqaalaha Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan maalinta shaqaalaha weynaha aduunka oo maalinta berito ah ku beegan 1-da bisha May ee sanadka 2018-ka.

1da May sanad walba waxaa Caalamka laga xusaa Munaasabadda Maalinta Shaqaalaha adduunka oo ah lafdhabarka wax soo saarka iyo horumarinta koboca dhaqaalaha.

Dabbaaldegga Xuska Munaasabadda shaqaalaha dunidaĀ  1da may ee sanadkaan 2018 ee Soomaaliya waxay ku soo beegantay xilliĀ  xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay waddo Barnaamij ballaaran oo lagu xaqiijinayo Tirada dhabta ah ee Shaqaalaha rayidka ah iyo tayadooda aqooneed.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in helida tirakoobka saxda ah ee shaqaalaha dowladda ay suura galinayso xaqiijinta tirada iyo tayada shaqaalaha inta ay la egtahay iyo diyaarinno sidii ay ula falgali lahaayeen shaqaalaha aduunyadda.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Daawo Sawirada: Gudoomiyaha Cusub ee Dayniile oo maanta si qurux badan xilka ula wareegay

Cabdi Cade

Duqeyn ka dhacday Ceelbuur oo lagu dilay xubno uu ka mid ahaa Madaxii Maaliyada Al-Shabaab

Caydiid Ali

Howlgalka ATMIS oo bandow ku soo rogay xerada Ciidamada cirka ee Afisyooni (Akhriso)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---