Milateriga Israel oo duulaan qaaday, dad falastiiniyiin ah dilay (Sawirro)

Laba falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay weerar ay milatariga Israa’iil ka fuliyeen maanta waqooyiga Daanta Galbeed, sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka Falastiiniyiinta.

Milatariga Israa’iil ayaa sheegay inay u dhaqaaqeen xerada qaxootiga ee Nour Shams, oo u dhow magaalada Tulkarem, si ay u burburiyaan waxa ay ku tilmaameen xarun taliska mintidiinta iyo xarun kale oo bambaanooyinka lagu kaydiyo.

Waxa ay sheegtay Israel in cutubyo ka tirsan Injineerada ay qarxiyeen tiro bambaanooyin ah oo lagu aasay waddooyinka, waxaana la sheegay in dableyda ay fureen rasaas iyo waxyaabaha qarxa, iyadoo ciidamada ay ku jawaabeen rasaas nool.

Wasaaradda caafimaadka ee Falastiin ayaa sheegtay in laba nin oo kal ah Asid Abu Ali 21 jir ah iyo Abdulrahman Abu Daghash oo isna 32 jir ah ay ku dhinteen rasaasta Israel.

Duullaanka ayaa burbur xooggan u geystay wadada dheer ee xerada, waxaana la jaray tuubooyinkii biyaha. Dabaqa hoose ee dhismaha la beegsaday ayaa waxaa soo gaaray burbur xooggan, halka qeyb ka mid ah darbiga bannaanka ee dabaqa labaad uu soo dumay.

Kooxda Xamaas ayaa sheegtay in uu xubin ka yahay Abuu Cali oo ka mid ahaa ragga la dilay, iyagoo wacad ku maray i iney u aar gudi doonaan.

Meel kale oo ku taal Daanta Galbeed, Jaamacadda Birzeit, oo ah machad weyn oo falastiiniyiin ah, ayaa sheegtay in ciidamada Israa’iil ay weerar naadir ah ku qaadeen xaruntooda meel u dhow magaalada Ramallah, ayna xireen sagaal arday oo uu ku jiro madaxa guddiga ardayda. Waxa ay sheegtay in ardaydu ay dhamaantood ahaayeen taageerayaasha kooxda xagjirka ah ee Xamaas. Jaamacadda ayaa cambaareysay weerarkaas oo ay sheegtay in uu geystay khasaare hantiyeed oo Jaamacadda ka dhashay.

Milateriga Israa’iil ayaa ku andacooday in tuhmanayaashan ay qorsheynayeen weerar ka dhan ah b Israa’iil.

Israa’iil waxa ay wadday weerarro millatari oo la xoojiyey, gaar ahaan waqooyiga Daanta Galbeed, sannad iyo badhkii la soo dhaafay, waxa ay ku sheegtay olole lagu ciribtirayo mintidiinta Falastiiniyiinta, laguna fashilinayo weerarrada mustaqbalka.

Laakiin Falastiiniyiintu waxay sheegeen in duullaanku uu salka ku hayo qabsashadii Israa’iil ee 56 sano jirsatay ee daanta galbeed. Duullaannadan ayaa muujinayey wax yar oo muujinaya in dagaalka uu gaabinayo, isla markaana gacan ka geystey wiiqitaanka maamulka Falastiiniyiinta, oo ah dowladda iskeed isku xukunta ee maamusha qaybo ka mid ah Daanta Galbeed ee Israa’iil haysato.

Ilaa 190 Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay Daanta Galbeed tan iyo bilowgii sanadkan, sida lagu sheegay tiro koob ay sameysay wakaaladda wararka ee Associated Press. Israa’iil waxay sheegtay in dadka la dilay intooda badan ay ahaayeen maleeshiyaad, balse waxaa sidoo kale la dilay dhallinyaro ka gadoodsan duullaannada iyo kuwa kale oo aan ku lug lahayn iska-horimaadyada.

Ugu yaraan 31 qof ayaa lagu dilay weerarrada Falastiiniyiinta ee ka dhanka ah Israa’iiliyiinta sanadkan.

Xiisadda ayaa billaabatay in ay ku sii fido todobaadkii la soo dhaafay marinka Qaza, halkaasoo boqolaal Falastiiniyiin ah ay maalin walba bannaanbaxyo ka sameynayeen xayndaabka dhulka Israa’iil.

Sabtidii, duqeymaha cirka ee Israa’iil ayaa marki labaad maalmo gudahood garaacay goob ay ku sugan yihiin mintidiin, ka dib markii Falastiiniyiintu ay u soo direen buufin gubanaya dhul beereedka Israa’iil.

- Advertisement -