Maxkamada Ciidamada Puntland oo xukuno adag ku riday xubno ka tirsan Al-shabaab

Maxkamadda ciidamada qalabka sida iyo denbiyada culus ee Puntland qeunta Gaalkacyo ayaa maanta xukuni adag ku riday saddex nin oo ku eedaysan iney ka tirsanaayeen Al-shabaab

Maxkamadda ayaa soo saartay go’aano ka dib kadib markii ay dhegaysatay dacwada xeer ilaalintu ku soo oogtay saddexda eedaysan iyo difaaca qareenkooda.

C/qaadir Abukar Shiikh Maxamed oo 29 jir ah ayaa lagu helay inuu bam ku tuuray saldhig boolis ay maxkamaddu ku xukuntay 15 oo xabsi ah.

Ismaaciil Daa’uud Jiirow (Xarfaaney) oo 33 sano jir ah ayaa isna lagua helay inuu ka tirsan yahay Al-shabaab waxayna maxkamaddu ku xukuntay 30 sano oo xabsi ah.

Siodoo kale Maxamed Deeq Salaad Cabdi Ibraahim oo 23 jir islamarkaana loona haysto in uu ka tirsan yahay  al-shabaab ayay sidoo kale maxkamaddu ku ridday 20 sano oo xabsi ah.

Maxkamada ayaa ayaa siisay raggan la xukumay muddo dhan 30 cisho oo ay ku qaadan karaan rafcaan haddii aysan ku qancin xukunada lagu riday.

 

- Advertisement -