Xog ku aadan Sadexda Masuul ee Hogaamin doona Galmudug iyo Madaxda dowlada oo ka shiray (Magacyada)

Waxaa dhawaan la filayaa in magaalada Dhuusomareeb ee caasimada maamulka Galmudug  looga dhawaaqo Xildhibaanada kamid noqonaya Baarlamaanka labaad ee Galmudug kuwaa oo iyana dooran doona Hogaanka sare ee maamulka.

Doorashada Hogaanka sare ee Galmudug gaar ahaan Madaxweynaha , Madaxweyne kuxigeenka iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa waxaa u sharxan siyaasiyiin mug leh oo taageero badan heesta.

Madaxda sare ee dowlada federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay in ay ka shireen cida ay u arkaan in ay hogaamin karto maamulka Galmudug ,si maamulkaasi u noqdo maamul wada shaqeyn dhaw la leh dowlada federaalka.

Ka dib kulan saacado badan socday oo dhexmaray Madaxweyne Farmaajo iyo Raisul Wasaare Khayre ayaa waxay labada masuul ugu dambeyn isla meel dhigeen cida noqonaysa Madaxweynaha, Madaxweyne ku-xigeenka & Guddoomiyaha Baarlamanka Galmudug.

Sida ay Allbanaadir.com u xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay oo ku dhow Villa Somalia kulankan ayaa sidoo kale looga hadlay dardar-galinta Maamul u sameynta Galmudug, soo xulida Xildhibaanada haray iyo arrimo kale ayaa waxaa lagu go’aamiyay qodobo ay ka mid ahaayeen.

1-In Ra’isul Wasaaraha Somalia uu Sabtida beri ah u ambabaxo Magaalada Dhuusamareeb si uu u dardar-galiyo dhameystirka dhismaha Maamulka Galmudug.

2-In 69-ka Xildhibaan ee la soo xulayo ay noqdan Xildhibaano Aqoon leh isla markaana dooran kara shaqsiyaadka ay dowlada federaalka Somalia u aragto in ay hogaamin karaan Galmudug lana shaqeyn karo.

3-In Madaxweynaha, Madaxweyne kuxigeenka iyo Guddoomiyaha Baarlamanka Galmudug lagu garab galo Masuuliyinta kala ah:-

a) Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-qoor)

b) Cali Daahir Ciid (Cali Ciid)

c) Maxamed Nuur Gacal.

Saddexdan masuul ayaa la sheegay iney yihiin kuwo aad ugu dhow Madaxda Qaranka waxayna ka soo kala jeedan beelaha Habargidir/ Saleeban, Mariixan /Celi iyo Murursade/Sabti.

Maamulka Galmudug oo dhismihiisa in muddo ah qaatay isla markaana khilaafyo badan ay hareeyeen ayaa waxaa lagu wadaa in la soo dhamaystiro 9-ka bisha Janaayo ee sanadka cusub ee 2020.

Musharaxiinta ay gadaal ka riixeyso DF ayaa la filayaa iney loolan adag kala kulmaan musharaxiin Mucaarad ah, gaar ahaan xilka Madaxweynaha Galmudug oo ay u taagan yihiin Xildhibaan C/raxmaan Odowaa iyo xubno kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Nairobi-Kenya
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -