Wasiir Juxa oo kahor yimid ammarkii uu soo saaray Guddoomiye Shaahdoon (Akhriso)

Guddoomiyaha Gobolka Bariee Puntland, Cabdirisaaq Cali Siciid Shaahdoon ayaa soo saaray warqad uu ku amrayay in magaalada Boosaaso aan lagu qaban karin shirar siyaasadeed oo maamulka ka warheyn.

Warqadan oo ku socotay mucaaradka Madaxweyne Siciid Deni ayaa durba waxaa si degdeg ah meesha uga saaray kana hor yimid wasiirka arrimaha gudaha maamulka Puntland  Cabdi Faarax Siciid Juxa.

Warqad uu isna soo saaray wasiir Juxa ayuu ku sheegay isaga oo ka duulaya hannaanka dardargelinta doorashooyinka goleyaasha deegaanka in dadka reer Puntland ay xuquuq dastuuri ah u leeyihiin in ay qabsadaan Shir iyo kulamo kala duwan oon amniga waxba u dhimeyn.

Halkan ka akhriso qoraalada kasoo baxay wasiirka iyo guddoomiyaha gobolka

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -