Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Weerar u qorsheysnaa kooxda Daacish oo la fashiliyey & xubno badan oo xabsi la dhigay

Mas’uuliyiinta Iran ayaa qabtay ka dibna baabi’iyay 30 bam oo la doonayay in isku mar lagu qarxiyo magaalada Tehran, waxaana la xiray 28 xubnood oo lala xiriirinayo kooxda dowladda Islaamiga ah ee Daacish sida ay sheegtay wakaaladda wararka Iran ee Tasnim oo soo xiganeysa Wasaaradda sirdoonka.

“Qaar ka mid ah xubnahan waxa ay ka tirsan yihiin kooxda isku magacawday Dawladda Islaamka (IS) iyagoo xiriir soo jireen ah in la lahaa kooxaha Takfiirka ee Suuriya, Afgaanistaan, Pakistan iyo gobolka Kurdistaan ee Ciraaq,” ayay wasaaradda sirdoonka Iran ku dartay hadal ay soo saartay.

Kooxda xagjirka ah ayaa sheegatay weeraro dhowr ah oo ka dhacay Iran, oo ay ku jiraan qaraxyo mataano ah oo 2017-kii lala beegsaday baarlamaanka Iran iyo qabriga aasaasihii jamhuuriyadda Islaamiga ah, Ayatollah Ruhollah Khomeini.

Dhowaan ayay ahayd markii IS ay sheegatay mas’uuliyadda weerar lagu qaaday goob ay shiicada ku cibaadeystaan bishii Oktoobar ee lasoo dhaafay, halkaasoo 15 qof lagu dilay magaalada Shiraz ee Koonfur-galbeed ee Iran.

Related posts

Wararkii Ugu Dambeeyay Dagaalkii Masjid Cali Gaduud iyo cidda gacanta ku heysa

Cabdi Cade

Madixii Ololaha Donald Trump ee Xilligii doorashada oo dacwad yaab leh lagu soo oogay

Caydiid Ali

Yuusuf Garaad oo War kasoo saaray Guddiga uu Madaxweyne Qoor Qoor ku daray

Cabdi Cade
Taboola Ads ---