Waa Dhacdo Xanuun Badan, waxay Rajadiisu ku Xiran tahay in uu helo …(Daawo Sawirada)

Waa Dhacdo igu reebtey Murugi iyo Uur ku Taalo  markii aan arkey Mustqabalkiisa  Caafimaad oo Muqdi  ku jira, waxaa uu ka dhashey Qoys Sabool oo Maanta aan awoodin in ay iska bixiyaan Kharashkii ay ku Daaweyn lahaayeen Wiilkooda.

Anas Miyir Gaboose iyo Hooyadii  Faadumo Aadan Ibraahim waxay  la halgan ugu jireen  sidii uu Waxbarashada uga Gaari lahaa meel Sare, waxaan uu ahaa ardey Dadaal badan oo ku wanaagsan waxbarashada,  Shahaadooyin Xafdinta ku qur’aanka ka qaatey meel badan oo Tartan Qu’aan Akhris ah lagu qabtey .

Sidoo kale Anas waxaa  uu Baari u ahaa Hooyadii wuxuu mar waliba Gacan siin jirey Hooyadii  hase yeeshee Nasiibdaro markii uu Jaamacadii bilaabey oo Meel Dhexe marayo ayaa waxaa ku soo boodey xanuun ka dib markii Dhaqaatiirtu ku sheegeen in Madaxa Buro uga taalo uuna u baahan yahay Qaliin dibadeed.

Hooyo Faadumo oo aad u murugeysan kana Badin weysey raadintii Qutul Daruuriga reerka ayaa waxay ummada Soomaaliyeed ee Ilaah wax Siiyey , Gancastada, Madaxda Dowlada iyo Hayadaha Samafalka in ay Rajo geliyaan Wiilkeyga si uu u helo Caafimaad Dibada ah, Hooyo Faadumo waxay kaloo  Sheegtey in Hadii uusan helin  Qaliinkaas ay ku soo bixi karaan Xanuuno kale

Anas Miyir Gaboose waa labaatan Jir waxaana Sawirada kaaga Muuqda Hooyadii oo garab fadhida , Shahaadooyinkisii  Waxbarasho iyo Aqoonsigii Jaamacada uu dhiganeyey sidaa Darteed inta Ilaah Wax siiyey oo ay ugu horeeyaan  Ganacsatada  Ilaah waa idiin weydiin Doonaa dadka Xanuunsan ee maanta aan Awoodin in ay Kharashka Caafimaadka iska bixiyaan adigana aad haysataan hanti iy Caafimaad

Waxaa socda Gurmad Xaafada iyo Masaajidada oo Dhaqaale loogu aruurinayo Anas Hadaba Qofkii doonaya in uu Caawiyo Ardeygaas kala Xiriireen 

Qof kasta oo Naxariis iyo Damqasho Baniaadanimo ku jirto ha la wadaago Asxaabtiisa  

 Accounts Lambar

Salaam Bank

30865556

Tel 00252615513686

Hooyo   Faaduma Aadan Ibraahim

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -