Allbanaadir.com
NEWS

IMF oo sheegtay in Soomaaliya ay buuxisay shuruudihii ku jiray hannaanka dib-u-eegista…

Hey’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa soo saartay Warbixinta horumarka Maaliyadda iyo Dhaqaalaha Soomaaliya, taas oo ay ka muuqato in ay dowladda Soomaaliya ku guulaysatay dhammaan shuruudihii barnaamijka deyn-cafinta.

IMF ayaa shaacisay in dowladda Soomaaliya ay si guul ah uga soo baxday shuruudihii ku jiray hannaanka dib-u-eegista 6-aad oo muddo labo toddobaad ah ay ku shirayeen magaalada Nairobi dowladda Soomaaliya iyo IMF/ Bangiga Adduunka.

Dhinaca kale Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Iimaan Cige oo soo saaray qoraal kooban ayaa soo dhaweeyay Warbixinta IMF ee hannaanka dib-u-eegista 6-aad.

Wasiirka maaliyadda xukuumadda Soomaaliya ayaa balan-qaaday in dowladdu ay ka go’an tahay sii wadidda iyo joogteynta hannaan walba oo lagu horumarinayo dhaqaalaha Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Al Shabaab oo weerar khasaaro kala duwan dhaliyay ka geestay gudaha Kenya

Cabdi Cade

Puntland oo Dowlad deegaanka u gacan gelisay Madaxii hore ee Xabsiga Jeel Ogaadeen

Caydiid Ali

Madaxweyne Deni oo ka hadlay Mudo kororsi laga cabsi qabo in Dowlada sameyso

Cabdi Cade
Taboola Ads ---