Puntland oo Dowlad deegaanka u gacan gelisay Madaxii hore ee Xabsiga Jeel Ogaadeen

Mas’uuliyiinta Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ayaa  xaqiijiyey in la qabtay nin horey madax uga soo ahaan jiray xabsiga lagu magacaabo Jeel Ogaadeen oo ku yaalla magaalada Jigjiga.

Ninkan ayaa lagu magacaabaa Xasan Axmed Ibraahim “Xasan Dheere” waxaana la sheegay inay xalay qabteen ciidamada amniga ee Puntland, iyagoo ku wareejiyey ciidamada Maamulka Soomaalida.

Waxaa Xabsigan ka dhaceen xadgudubyo ka dhan ah bani’aadamka sida ay diiwanageliyeen hay’adaha xuquuqda aadanaha, iyadoo dad badan oo ku xirnaa la waayey halka nolol iyo geeri ay ku dambeeyeen, iyadoo la aaminsan yahay in xabsiga lagu dhex dilay.

Mas’uul u hadlay maamulka Soomaalida ayaa sheegay in ninkaasi haatan loo dhaadhiciyey magaalada Jigjiga, uuna xiran yahay, isagoo xusay in maxkamad la soo taagayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com.

- Advertisement -