Al Shabaab oo weerar khasaaro kala duwan dhaliyay ka geestay gudaha Kenya

Dagaalyahano katirsan Al Shabaab ayaa weerar dhaliyay khasaaro dhimasho ka geestay deegaan dhaca gobolka Xeebta dalka Kenya, xilli qeybo kamid ah Kenya looga dabaaldegayay ciida kirismaska.

Booliiska Kenya ayaa sheegay in weerarkan uu ka dhacay deegaanka Pandaguo ee ismaamulka Lamu oo deris la ah keynta Boni, waxa ayna Al Shabaab weerareen goobo gaar ah oo la sheegay in ay bartilmaameedsadeen.

Kooxda weerarka qaaday ayaa la sheegay in toogasho ku dileen labo qof oo ku sugnaa deegaanka weerarka uu ka dhacay , waxa ay sidoo kale gubeen guryo kuyaalla deegaanka sida booliiska sheegeen.

Guddoomiyaha gobolka xeebta John Ellungata ayaa sheegay in kooxaha weerarka soo qaaday ay habeennimadii soo weerareen tuulada, balse ay iska caabiyeen ciidamada keydka ah ee booliiska Kenya kaddib markii ay israsaaseyn xooggan dhacday.

Al Shabaab ayaa marar badan weeraro khasaaro kala duwan dhaliyay ka fuliyay gudaha dalka Kenya gaar ahaan dhulka xeebta ee hadda weerarku ka dhacay, weerarkan ayaana dhaca xilli ciidamada Kenya xoojiyeen ammaanka dalka Kenya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -