Madaxweyne Deni oo ka hadlay Mudo kororsi laga cabsi qabo in Dowlada sameyso

Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid C/llaahi Deni ayaa ka hadlay warar soo shaac baxayay maalmihii lasoo dhaafay oo ku aadanaa in Madaxda sare ee dalka ka shaqeenayaan sidii ay mudo kororsi u sameyn lahaayeen.

Saciid Deni ayaa cadeeyay in uusan dalku xiligan ka dhici karin wax mudo kororsi ah ay sameeyaan Madaxda talada dalka heysa, waxa uuna tilmaamay in dalka ku jiro geeddi socod siyaasadeed .

Waxa uu sheegay in heshiis lagu wada yahay in doorashada ay ku dhacdo xiligeeda rasmiga ah, isagoona sheegay in dalka xiliyadii u dambeeyay ka dhacayeen doorashooyinka lana aqbali doonin xiligan in mudo kororsi la sameeyo.

“Wax Soomaali heshiis ka tahay waxaa ka jira illaa hadda oo hirgalay waa in doorashada waqtigeeda ku dhacdo, Illaa Mbagathi 2004 dowladdihii intii madax isaga kala dambeysay heshiiskaas ayaa lagu socday, dib u dhac marna ma imaan, muddo kororsina ma imaan marka ma rajeyneyno arrimo noocaas ku jiraan inay dhacaan,  waxay dib u celineysaa in Soomaaliya halka arrin u qabsamoomay inay dib uga noqoto, hada waxaa u qabsoomay afar sano kasta in la is doorto, kaasaa rajeynayaa in aysan caqabad gelin, haddii tii la rabay la qaban waayo, in kuwo xilligii hore la qaban jiray la sameeyo oo la dhaho maxaa noo dan ah”ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Hadalka Madaxeweynaha Puntland ayaa imaanaya xili shaki laga qabo in dowlada talada dalka hada heysa ay sameeso mudo kororsi , waxaana mudo xileedka dowladan ka harsan mudo 16-bilood ah , iyadoona shaki la galinayo in dalka ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -