Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo la kulmay madaxweynaha Mareykan Joe Biden

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre ayaa magaalada New York ee xarunta Qaramada Midoobay kula kulmay Madaxweynaha dalka Mareykanka Joe Biden, oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka u dhaxeeya labada dal.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa Madaxweynaha kala hadlay sidii dowladda Mareykanka ay u sii xoojin lahayd taageerada dagaalka lagu ciribtirayo Khawaariijta, qaadista cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya, si ciidamadeena qaranku ay ula wareegaan guud ahaan amniga dalka.

Waxaa kale oo ay ka wada hadleen sidii Mareykanka uu dowladda Soomaaliya gacan uga siin lahaa barnaamijka deyn cafinta ee gabagabada maraya si loo xaqiijiyo Soomaaliya oo gaarta horumar iyo isku filnaansho dhaqaale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Raisul Wasaare Rooble oo ka hadlay geeridii ku timid Madaxweynihii hore ee dalka

Caydiid Ali

Taliska Booliska DF oo kulan xasaasi ah iskugu yimid (Sawirro)

Caydiid Ali

Ciidamada Nabad sugida Somalia & hubkooda oo si rasmi ah loogu wareejiyey Booliska (Akhriso)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---