Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Akhriso) Mareykanka oo kordhiyey lacagta dulsaaran C/llaahi Cusman Max’ed

Mareykanka ayaa kordhiyay lacagaha saaran madaxa C/llaahi Cusmaan Maxamed oo Al-shabaab u qaabilsan Farsamada Qaraxyada, sidoo kalena waa Madaxa qeybta Warfaafinta Al-kataa’ib waxaana loo yaqaanaa Al-shabaab dhexdooda Injineer Ismaaciil ama Dhegacadde.

Lacagta madaxiisa dulsaaran ayaa la gaarsiiyey illaa shan milyan oo dollar.

C/llaahi Cusmaan Maxamed ayaa horay uga badbaaday weerar Ciidan Soomaali iyo kuwa Mareykanka ku qaadeen sanadkii 2020 deegaanka Gendershe oo u dhow Xeebta Jazeera, howlgalkaas oo aan lagu guuleysan waxaa ku dhintay Sarkaal Mareykan oo dhaawac ahaan u geeriyooday maalmo kaddib.

C/llaahi Cusmaan Dhegacadde oo horay qeybta Farsamada uga soo shaqeeyay Xafiiska Telefishinka Al Jazeera ee Muqdisho sanadihii 2005 illaa 2009, hadda waa mid ka mid ah ragga loogu doon doonista badan yahay hoggaanka AS.

“Maxamed, oo sidoo kale loo yaqaano Injineer Ismaaciil, waa khabiirka sare ee dhanka sameynta walxaha qarxa u qaabilsan kooxda argagixisada ah ee al-Shabaab. Waxaa uu sidoo kale la taliye u yahay hoggamiyaha al-Shabaab Axmed Diiriye, islamrkana waa hogaamiyaha waaxda warbaahinta u qabailsan al-Shabaab ee loo yaqaanno, al-Kataib” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay dowlada Mareykanka.

Related posts

Rajada Nabadda Soomaaliya ee xiligan iyo sida loo abuuri karo Jawi Nabadeed  

Cabdi Cade

(Akhriso) Madaxweyne Farmaajo oo War ka soo saaray doorashadii ka dhacday Puntland

Caydiid Ali

Wasaaradda A/dibeda oo soo saartay War-saxaafadeed lagu taageerayo Sacuudiga

Caydiid Ali
Taboola Ads ---