Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Wasaaradda A/dibeda oo soo saartay War-saxaafadeed lagu taageerayo Sacuudiga

WAR-SAXAAFADEED

Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay si kulul u cambaaraynaysaa maleeshiyooyinka Xuutiyiinta ee Yemen ee gantaalada balaastikada ku riday Magaalooyinka Riyadh iyo Jizan ee Boqortooyada aanu walaalaha nahay ee Sacuudi Carabiya gelinkii dambe ee Sabtida oo ku beegnayd 28 Maarso , 2020 , waxayna u aragtaa xadgudub qaawan iyo hanjabaad ka dhan ah deganaanshaha gobolka iyo iska-dhega-tirid geedi socodka nabadda.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay caddaynaysaa in ay ku garab taagan tahay Boqortooyada kahortagidda cid waliba oo wiiqaysa amnigeeda qaran, waxa ayna adkeynaysaa mowqifkeeda adag ee taageeraya tubta Riyadh ee xalinta dhibaatooyinka siyaasadeed ee Yemen.

Dhammaad.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

 

Related posts

Madaxweyne Xaaf oo War kasoo saaray Guddiga Dowlada federaalka magacawday

Cabdi Cade

(Sawirro) Sidee Jabuuti looga dabaal-degay Maalinta Xoriyadda ee 27-ka Juun?

Caydiid Ali

Howlgal lagu dilay 47 dagaalyahan oo ka dhacay degaanka Yaaq dabayl

Caydiid Ali
Taboola Ads ---