Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Akhriso) Madaxweyne Farmaajo oo War ka soo saaray doorashadii ka dhacday Puntland

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo la xiriiray Guddoomiyeyaasha Ururrada Siyaasadda ee Puntland ee ku tartamay doorashada dadweynaha ayaa ugu hambalyeeyey natiijada dhiirri-gelinta mudan ee ay ka soo hooyeen deegaanada ay ku qabsoontay doorashadu.

Farmaajo ayaa ku bogaadiyey Maamulka iyo bulshada Puntland, Guddiga Doorashada iyo Ururrada Siyaasadda ee ka qeyb-galay sida ay ugu midoobeen ka dhabeynta qorshaha dimuqraadiyeynta Puntland oo tallaabadii ugu horreysay loo qaaday, isagoo ku adkeeyey in ay sii ballaariyaan tijaabada.

Dhankooda, Guddoomiyeyaasha Ururrada Siyaasadda ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda xiriirka uu la soo sameeyey iyo sida uu u dhirri-gelinayo hannaanka dimuqraadiyadeed, iyaga oo tilmaamay ifafaalaha wanaagsan ee arrintani ay u leedahay hannaanka siyaasadda dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xassan Shiikh: “Cidii ka hor timaada dhameystirka dastuurka loo joojin maayo”

Caydiid Ali

(Daawo Sawirro) Dab qabsaday dhismaha caanka ah ee Kamala Mills oo dad badan laayey

Caydiid Ali

Maktabad loogu magac daray Duqii hore ee Muqdisho oo xariga laga jaray (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---