Rajada Nabadda Soomaaliya ee xiligan iyo sida loo abuuri karo Jawi Nabadeed  

Waxaa xasuus mudan inaanu is xasuusino wax u wanaagsan  nolosha  xadgudubna ku ahayn akhlaaqda taasoo  sheegidooda, aragooda iyo maqalkooda wax laga faa,ideysan karo.  Qalinka in lagu qoro wax wanaagsan waxay ka dhigan tahay  adigoo khatar ka saarey ummad oo dhan oo dhibaneyd hadii taas si kasoo horjeeda loo adeegsado waa musuqmaasi iyo sed bursi dhibaato u horseedaya Ummada deegaankaasi ku dhaqan,  hadaba maqaalkeena maanta waxaan u jiheysan doona Aminga iyo Garsoorka.

 Difaaca , amniga  iyo  Garsoorka

Nolol iyo negaansho waxaa asal u ah amniga iyadoo ay tahay   faracii heshiis iyo iscafin  dhab ah waa marka aan ka hadlaayo bulsho ragaadiyey dagaal sida dalkeena Soomaaliya. Shacab iyo shaqaale hadey dareemaayaan oo ku naaloonaayaan amni la isku haleyn karo wey adag tahay in cadaalad daro la sameeyo waayo qof kasta haduu ku taamaayo garsoor la isku haleyn karo maxaa ka wanaagsan , maxaa yeeley qof kasta sharciga ayaa ka sareeyo.

Hadii ciidankii looga fadhiyey xaqiijinta nabada iyo amniga ay noqdaan kuwo xalaaleystey dilka iyo boobka iwm , waa dhibaato inteeda la,eg  sida ay dhacdo marar badan hadeynaan la iska indho tireyn.

Waxaan sabab u ah ciidamo  u abaabulan hab qabiil iyagoo kasoo kala jeeda beelihii dirirtu ka dhaxeysey ee deegaan walba oo ka mid ah dalka  kuna soo indho furtey qab qab qabiil iyo kooxeysi oo aan lahayn aqoon , dishibiliinkii ,kala dambeyn iyo sharciga waxuu ku waajibiyey askarimadiisa, hadaba markey sidaas tahay waa in la dhisaa ciidan sax ah oo leh akhlaaqdii ciidanimo,aan lahayn   balwadaha xad dhaafka ah iyadaa oo u wada dhan yihiin qeybaha kala duwan ee beelaha iyo bulsho weynta Soomaaliyeed.

Waxaad mooda ama ayba tahay sida dhabta ah in weli isbaheysi qabiil oo hubeysan oo ka jiro dalkii maxaa yeeley siyaasiyiinta qaar ayaa ku taama kuwa ka agdhow ee hubeysan iskuma haleynayo dowlada ka jirta dalka ama deegaankaasi ma waxaan oran karnaa dhaqanka noocaasi ah mid maamul wanaag leh amni iyo garsoor jawaabtu waa maya  Soomaalidu waxy tiraahdaa ( ILMO ADEER WAA INTA ISTAQAANA)

Habeen madow in la isku guureeyo Magaalada Muqdisho sida horeyba u  dhacdey markii siyaasiga mucaaradka ahaa ey qoonsatey dowlada hadaladiisa iyo dhaqdhaqaaqiisa  iyadoo meeshaasi ku dhinteen muwaadiniin   Soomaaliyeed ku heyb ahaa siyaasiga mucaaradsana xukuumada. Garsoorka dalka kaalintee ayuu kulahaa dhacdadaasi fuusha xumeyd , sidoo kale Maamulka Somaliland inkastoo uu xaddidey arimaha siyaasadda ee mucaaradka taa bedelkeeda waxay ku takri faleen (Berimageyda) sida saxaafada,faniinta, xuruyatul qowlka , inkastoo amni ahaan aad uga wanaagsan yihiin koonfurta dalka.

Hadaba waxaan soo jeedin lahaa hadaan sheegey meelaha boogta in laga  dhayo ku haboon in aan u midowno qaswadaha aaminsan qabiilka , sidii hubka looga dhigi lahaa , loo abuuri lahaa jawi amni iyo garsoor cadaalad leh waa waxa aan uga gudbi karno dhaqan xumada ay ku kacaan ciidan ku sheega qaar.Waxa xusid mudan inaan isdul taagno tacdiyada ay ku kaceen dhamaan Maamulada ka arimaya guud ahaan dalka gaar kuwa ugu liita ee ku takri fala awooda shacbiga Soomaaliyeed la soco Q.4aad

Qormadii / Okash Sugow Mohamed 

@okashasugow(sugoow55@hotmail.com

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -