Ma dhab baa in Muqdisho laga furay goobo la geeyo gabdhaha jirkooda ka ganacsada?

Guddoomiyaha Ururka haweenka gobolka Banaadir Jawaahir (Baarqab) ayaa sheegtay in Magaalada Muqdisho ay ku yaallaan xarumo la geeyo gabdhaha yar yar ee jirkooda ka ganacsada.

Hadalkan ayey ka sheegtay munaasabad lagu qabtay xarunta gobolka Banaadir oo ay goob jog ka ahaayeen masuuliyiin kala duwan.

Waxa ay intaas ku dartay in gabdhaha qaarkood laga soo celiyo qurbaha si loo dhaqan celiyo loogu tago goobahooda waxbarashada, kadibna la tashkiiliyo sidaasina hadda lagu weysan yahay laba gabdhood oo laga keenay London.

“Markii aad tagto xilliyada habeenkii xeebta liido waxaad ku arkeysaa gabdho badan oo bajaaj lagu keenayo, waxaan jira meel la yiraahdo (Bac ka sii) oo lagu tunto gabdhahaas badankood reerahooda been ayey u sheegaan iyagoo leh saaxiibtey ayaan imtixaan la soo akhrisanayaa, heblaayo ayaa soo salaamayaa iyo arrimo kale” ayey tiri jawaahir Baarqab

Guddoomiyaha Ururka haweenka gobolka Banaadir ayaa sheegtay iney jiraan xarumo aan weli la ogaanin oo loo furay haweenka jirkooda ka ganacsada, tasina ay tahay faaxisho aad u weyn oo bay tiri loo baahan yahay in laga hor tago.

Waa markii ugu horeysay ee masuul ka tirsan maamulka gobolka Banaadir uu shaaciyo in Muqdisho laga furay goobo la geeyo haweenka jirkooda ka ganacsada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -