Taliyaha cusub ee ciidanka ilaalada Madaxtooyada oo xilka la wareegay (Daawo Sawirro)

Waxaa maanta xilka la wareegay Taliyaha cusub ee ciidamada ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya oo dhowaan xilkaasi loo magacaabay.

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Sareeye Gaas Daahir Aadan Cilmi (Indha Qarshe) ayaa ka qeyb-galay Munaasabad uu xilka kula wareegayey taliyaha cusub ee loo magacabay Ururka 60-aad ee ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya taas oo lagu qabtay xarunta taliska Ururka 60-aad ee magaalada Muqdisho.

Taliyaha oo la hadlay saraakiisha, saraakiil,xigeenada, allifleyda iyo dableyda Ururka 60-aad ee ciidanka ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya, isagoona ku ammaanay shaqada ay u hayaan Bulshada iyo madaxda dalka.

“Ururkaan waxaa uu kamid yahay ururada ugu fiican Ciidanka Xoogga dalka, waxaan rabaa in miisaanka aad leedihiin aad sii muujisaan, waana idinku amaanayaa howshiina”ayuu yiri taliyaha.

Indho Qarshe ayaa sheegay in taliska Ciidanka xoogga dalka uu ku dadaali doono in la sii tayeeyo Ciidanka Ilaaladda Madaxtooyadda.

Ciidamada Ilaalada Madaxtooyadda ayaa lagu tilmaamaa Kuwa xooggan Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, waxaana inta badan ay helaan Fursado aysan helin Ciidanka kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -