C/kariin Qalbi-dhagax oo si diiran loogu soo dhoweeyey Boosaaso (Daawo Sawirro)

Cabdikariin Sheekh Muuse (Qalbi-dhagax) oo ka tirsan Jabhada ONLF ee dagaalka kula jirta dowlada Itoobiya ayaa maanta soo gaaray magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.

Garoonka dayuuradaha ee Boosaaso waxaa ku soo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan Puntland, odayaal dhaqameedyo iyo dadweyne watay calanka jabhada ONLF.

Markii uu soo gaaray Boosaaso ayuu Cabdikariin Qalbidhagax la hadlay dadkii soo dhaweeyay isagoona sheegay in Boosaaso uu u yimid sidii uu ula kulmi lahaa dadkii ka dhiidhiyey jariimo uu sheegay inay kula kaceen madax Soomaali ah.

Qalbi-dhagax ayaa inta uu ku sugan yahay Boosaaso la kulmi doonaa masuuliyiinta ugu sareysa Puntland iyo qeybha kala duwan ee Bulshada isagoona si gaar ah ula kulmi doona dadka kasoo jeeda dowlad degaanka Soomaalida.

Qalbidhagax ayaa horey u sheegay inuu safaro kala duwan ku mari doono magaalooyin badan oo kamid ah dalka ,waxaana safarkan kii ka horeeyay uu ku tagay magaalada Hargaysa halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Cabdikariin Sheekh Muuse (Qalbi-dhagax) ayaa manta sheegay inuu booqanayo dowlad goboleedyada Galmudug iyo Puntland, isagoo xusay inuusan booqan doonin Muqdisho oo uu tilmaamay iney joogaan madaxdii gacan gelisey inkastoo shacabka jooga uu abaal weyn u hayo sida uu yiri.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -