Sargaal katirsanaa kooxda Al Shabaab oo isku soo dhiibay ciidanka Dowladda

Ciidanka dowladda Soomaaliya ee ku sugan magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, waxaa isku soo dhiibay sargaal katirsanaa kooxda Al Shabaab, kaa oo go’aansaday in uu kasoo tago kooxdaasi uu sannado katirsanaa .

Sargaalkan Al Shabaab kasoo goostay oo lagu magacaabo Xasan Cilmi Siyaad ayaa kooxdaasi u qaabilsanaa aruurinta lacagaha ay Al Shabaab  ugu yeerto Sakawaadka ee laga qaado dadka ku dhaqan deegaanka Dhoqor ee gobolka Hiiraan .

Waxa uu sheegay ninkan in kooxda Al Shabaab uu katirsanaa muddo afar sanno ah, waxa uuna xusay in kooxdaasi uga soo baxay sababo la xariira dhibaatada ay dadka ku hayaan iyo diinta uu sheegay in ay ka been sheegaan.

“Aniga Al-shabaab deegaanka Dhoqor ayaan u qaabilsana waligey dagaal ma galin qofna ma dhibin, kaliya kooxda ayaan u qaabilsana in dadka deegaanka ee beeraleyda ah u dhaxeeyo, wixii iga tan batana ayaga ayaan u gudbin jiray” ayuu yiri Xasan Cilmi Siyaad.

Sargaalkan kasoo goostay Al Shabaab ayaa sheegay in si wannaagsan loola dhaqmay lana soo dhaweeyay, waxa uu ugu baaqay xubnaha kale ee katirsan kooxda Al Shabaab in ay isaga soo baxaan iskuna soo dhiibaan dowladda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -