Allbanaadir.com
HIRSHABELLENEWS

Cali Guudlaawe oo dalka kusoo laabtay si weyna loogu soo dhaweeyay Muqdisho (Sawirro)

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen iyo xubno la socday ayaa maanta dib ugu soo laabatay dalka gara ahaan Muqdisho, kadib howlo shaqo oo uu dibada ugu maqnaa.
 
Cali Guudlaawe waxaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cade kusoo dhaweeyay xubno katirsan xildhibaanada labada Aqal, Wasiiro heer federaal ,qaar kamid ah Wasiirada iyo Xildhibaanada Hirshabeelle, Saraakiil iyo Masuuliyiin kale.
 
Madaxweynaha Hirshabelle ayaa Magaalada Muqdisho u yimid ka qeybgalka caleemasaarka Madaxweynaha cusub ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo lagu wado in berri oo Khamiis ah lagu qabto teendhada Afisiyooni.
 
Waxaa maanta sidoo kale la filayaa in magaalada Muqdisho soo gaaraan qaar kamid ah madaxda dowlad goboleedyada iyo wafuud kale oo heer caalami ah kuwaa oo ka qeyb galaya caleemo saarka Madaxweyne Xasan Sheekh.
 
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Beesha caalamka oo War ka soo saartay dorashada Madaxweyne Xassan Shiikh (Akhriso)

Caydiid Ali

Madaxweyne Farmaajo oo saxiixay Miisaaniyadda Dowladda ee sanadka 2020-ka

Caydiid Ali

Ciidanka Israel oo ka baxay Khan Younis ka dib dagaalo faraha looga gubtay (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---