Dowlad Afrikaan ah oo Somalia keentay ciidamadii sugi lahaa doorashada 2021 (Sawirro)

Dowlada Nigeria ayaa u soo dirtay magaalada Muqdisho ciidamo Boolis ah oo ka mid noqonaya AMISOM kuwaasoo la sheegay iney ka qeyb qaadanayaan ilaalinta amniga doorashada Soomaaliya.

Ciidamadan oo tiradoodu gaareyso 130 Askari ayaa dhawaan qaatey tababar la xiriira dhinaca amniga doorashooyinka,waxaana dalka Nigeria uu noqonayaa dalkii ugu horeeyey ee tiradii ugu badneyd ku biiriya Ciidamada Booliska AMISOM.

Taliyaha Guud ee Ciidamada ka socda Nigeria Shehu Axmed Gani ayaa uga mahadceliyey kooxda hoggaanka sare ee Boliiska AMISOM abaabulka & tababarka ay qaateen oo uu ku sheegay inuu ahaa mid wax ku ool ah.

Taliyaha Booliiska ee howlgalka midowga afrika ee Soomaaliya (AMISOM), ahna kuxigeenka kormeeraha guud ee Booliska Augustine Kailie ayaa ku boorriyay 130 Askari oo dhawaan laga soo diray wadanka Nigeria in ay u shaqeeyaan si hufan una gutaan waajibaadkooda si waafaqsan shuruucda iyo qawaaniinta AMISOM.

Soomaaliya waxaa xilligan jooga ciidamo ka badan 2000 oo ka tirsan Booliska AMISOM, kuwaasoo ka kala socda wadamada,Nigeria, Uganda,Ghana, Kenya, Zambia & dalal kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -