Ku dhowaad kun arday ka qelin jebisay Jaamacadda Jobkey oo shahaadooyin la gudoonsiiyey

Xaflad ballaaran oo shahaadooyin lagu gudoonsiinayey ku dhowaad kun arday oo ka qelin jebisay Jaamacadda Jobkey ayaa lagu qabtay Magaalada Muqdisho.

Munaasabadan oo si heer sare ah loo soo qaban-qaabiyey ayaa waxaa ka qeyb galay masuuliyiin ka tirsan goleyaasha Xukuumada iyo Baarlamanka Somalia, qeybaha kala duwan bulshada, waalidiin, arday, iyo marti sharaf kale.

Guddoomiyaha Jaamacadda Jobkey C/casiis Caagane C/samad oo ka mid ahaa masuuliyiintii ka hadashay Munaasabadan ayaa sheegay in maanta ay u tahay maalin farxadeed, uuna u hambalyeynayo ardayda qelin jebisay oo uu sheegay iney yihiin dufcadii 5aad oo tiradoodu gaareyso 914 arday oo ay ku jiraan kuwo dhameystay waxbarashada heerka labaad ee loo yaqaano (Master degree).

Waxaa uu dhinaca kale ku dheeraaday asaaska Jaamacada marxaladihii ay soo martay, horumarka ay ku talaabsatay iyo qorsheyaasha ay higeysaneyso mustaqbalka dhow iyo midka fog intaba.

“Jaamacaddu intii ay jirtay Guulo waaweyn ayey gaartay, waxay xubin buuxda ka tahay Midowga Jaamacadaha caalamka iyo kan qaarada Afrika, waxay heshiisyo caalami ah kula jirta jaamacado ay ka mid tahay Mahsa University oo ku taalla dalka Maleysia iyo kuwo kale, dhowaan waxaan dhagax dhignay dhismaha Kambas weyn oo Jaamacadu yeelaneyso, kaasoo ah si casri ah loo dhisayo, dhul baaxad leh ku fadhiya” ayuu yiri guddoomiye Caagane oo Mustaqbal wanaagsan u rajeeyey ardayda qelin jebisay oo uu sidoo kale ugu baaqay iney sii wataan Waxbarashadooda.

Guddoomiyaha gobolka gobolka Sh/dhexe Axmed Mayre Makaraan oo isna ka hadlay xafladaas ayaa sheegay in ardayda faraha badan ee ka qelin jebisay Jaamacada Jobkey ay astaan u tahay horumarka Jaamacaddu ku talaabsatay mudada kooban ee ay jirtay, wuxuuna hambalyo u diray ardayda qelin jebisay isagoo u mahad celiyey maamulka Jaamacada iyo waalidiinta ku soo dedaalay ardaydan.

Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada iyo tacliinta sare ee dowlada Somalia Feysal Cumar Guuleed ayaa isna hambalyada ka sokow ardayda qelin jebisay ugu baaqay in aqoonta ay Mudada dheer soo baranayeen wax ugu qabtaan dalkooda iyo dadkooda, isagoo balan-qaaday in wasaaradiisu ay shaqaaleyn doonto qaar ka mid ah ardayda soo qelin jebisay, isagoo Jaamacada Jobkey ku tilmaamay mid safka hore kaga kaga jirta jaamacadaha dalka.

Wasiirka dhalinyarada iyo Isboortiga ee xukuumada Somalia Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye oo ugu dambeyn ka hadashay munaasabada ayaa bogaadin iyo hambalyo u dirtay ardayda qelin jebisay oo ay sheegay in looga fadhiyo ka qeyb qaadashada dib u dhiska dalkooda.

“Dal kasta horumarkiisa waxaa horseed u ah dedaalka ay muujiyaan aqoonyahanadiisa, wadamada horumaraya ee aad arkeysaan aqoon iyo cilmi baaris ayey ku gaareen, waxaana la idinka fadhiyaa inaad sidaas la mid dadkiina iyo dalkiina u horseedaan, Soomaaliya oo hadda  burburka ka soo kabaneysana idinka iyo kuwa idinla mid ah ayey u baahan tahay” ayay tiri Wasiirada oo balan-qaadyo u sameysay ardayda qelin jebisay, iyadoo dhinaca kale jaamacada Jobkey ku amaantay doorka hormuudnimada ah ee ay kaga jirto horumarinta tacliinta sare ee dalka.

Hadallo isugu jiray hambalyo, guubaabo iyo dardaaran ayaa waxaa intii munaasabadan ay socotay ka jeediyey xildhibaano ay ka mid ahaayeen C/qaadir Cosoble Cali, Canab Xasan Cilmi iyo xubno kale oo ka socday shirkadaha dalka ka jira, bankiyada iyo qeybaha bulshada.

Madaxdii munaasabadan goob jooga ka ahaa ayaa ugu dambeyn waxay shahaadooyin gudoonsiiyeen ardaydii ka qelin jebisay kuliyadaha Jaamacadda Jobkey waxaana xafladaas ay ku soo dhamaatay jawi farxadeed oo aad u sareeya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -