Madaxweyne Waare oo la sheegay in 2 Milyan oo Dollar ku qaatay Heshiiskii Dowlada Dhaxe

Madaxweynaha Maamul goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa dhawaan heshiis la gaaray dowlada Federaalka Soomaaliya, waxa uuna ka laabtay Go’aankii Kismaayo uu Xiriirka ugu jaray dowlada Federaalka.

Heshiiska uu Madaxweynaha Hirshabelle la gaaray Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa dhabar jab ku riday Madaxda kale ee maamul goboleedyada , kuwaa oo horey ugu wada heshiiyay in dowlada Xiriirka u jaraan kuna xiraan shuruudo adag.

Xildhibaan katirsan maamulka Hirshabelle oo la hadlay Idaacad kutaala magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Madaxweyne Waare heshiiskii uu la galay dowlada Federaalka ku qaatay lacag gaareysa labo Milyan oo Dollar.

Waxa uu sheegay Xildhibaankan oo lagu Magacaabo Shar’marke in ay heleen xog ku aadan in Madaxweyne Waare la siiyay lacag dhan 2 Milyan oo Doolar kadib heshiiskii dowlada, waxa uuna xusay in lacagtaasi loogu tala galay in maamulka wax loogu qabto.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale sheegay in ay doonayaan in ay kala xisaabtamaan Madaxweynaha halka uu geeyay lacagtan la siiyay iyo lacago kale oo horey dowlada Federaalka u siin jirtay maamulka Hirshabelle.

Madaxweynaha maamulka Hirshabelle ayaa marar badan lagu eedeeyay in uu lunsaday lacago badan oo loogu tala galay socod siinta maamulka, mana jiro cid kala xisaabtantay Madaxweynaha lacagahaasi lagu eedeeyay in xagiisa jiraan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -