Golaha Wasiirada Galmudug oo lagu dhawaaqay (Xubno aan la fileyn oo ka mid noqday)

Madaxweynaha  maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa goor dhow ku dhawaaqay liiska golihiisa cusub ee wasiirada.

Wasiirada la magacaabay ayaa waxaa ka mid ah labo Xildhibaan oo ka tirsan Golaha shacabka baarlamanka Somalia kuwaasoo kala ah Axmed Macalin Fiqi & Cabdi Saabir Nuur Shuuriye oo loo kala magacaabay Wasiirka Amniga iyo Wasiirka dekedaha Galmudug.

Xildhibaan Fiqi ayaa ka mid ahaa Xildhibaannadii mucaaradka ee sida weyn u diidanaa doorashadii Axmed Qoorqoor inkastoo markii dambe ay tanaasul u muujiyeen isaga iyo xildhibaano kale oo ay isku feker ahaayeen, waana markii ugu horraysay oo xildhibaano federal ah ay xil wasiir ka qabtaan Dowlad Goboleed.

Tirada wasiirada cusub ayaa gaaraya 23 xubnood oo isugu jira wejiyo ku cusub siyaasada iyo qaar horey ugu jiray, waxayna kala yihiin magacyadooda iyo xilalka loo Magacaabay sidan hoose:-

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -