Kheyre oo dadweyne badan kula hadlay Masjid kuyaala Dhuuso Mareeb (Daawo Sawirada)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta sheegay in lagama maarmaan tahay midnimada Galmudug, si loo dhameystiro howlgalka Al Shabaab looga xoreynayo goobaha ay kaga harsan yihiin Dowlad Goboleedka Galmudug.

Ra’iisul Wasaaraha oo maanta salaaddii Jimcaha kula dukaday masjidka jaamacatu raqay boqollaal qof oo reer Dhuusamareeb ah ayaa hadal uu ka jeediyay ku bogaadiyay dadaalka ay culumadu hoggaamineysay ee lagula dagaallamay  Al-shabaab, isaga oo ku baaqay in loo midoobo sidii dalka oo idil looga ciribtiri lahaa.

Dhanka kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka digay dhibaatada ay qabyaaladdu leedahay iyo saameynta xun ay bulshada ku reebto. Waxa uu farta ku fiiqay in loo baahan yahay in si wadajir ah looga dagaallamo.

- Advertisement -