Shirkii Golaha Wadatashiga oo maalintii labaad looga doodayo qodobo culus (Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud oo guddoominaya maalintii labaad shirka Golaha Wadatashiga Qaran ayaa lagu lafa gurayaa warbixinnada ay soo gudbiyeen  guddiyada u xilsaaran soo dhiraan dhirinta hannaanka federaaleynta maaliyadda, doorashooyinka iyo qaab dhismeedka amniga qaranka.

Shirkan waxaa ka qeyb galay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Mudane Salah Jama iyo Madaxweynayaasha Dowlad-Goboleedyada, Koonfur-Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed, Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen, Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale.

Waxaa ka maqan shirkan madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Deni oo diiday inuu ka soo qeyb galo sababo la xiriira khilaaf adag oo kala dhexeeya madaxda sare ee DF.

Guddi ka kala socday DFS iyo dawlad gobaleedyada marka laga reebo Puntland kuna shirsanaa magaalada Baydhabo, shirka madasha ka hor ayaa doodayay mideynta doorashooyinka dalka iyo arrimo kale

Guddiyada ayaa isku raacay, doodo dheer ka dib qodobada ay ka mid yihiin

1- In doorashada madaxtinimada Koonfur Galbeed & Puntland ay dhacaan Jan 2024-ka.

2- In doorashada Madaxtinimada maamulada Galmudug, H/shabeelle & J/land ay dhacaan December 2024-ka.

3- In doorashada Madaxweynaha & Baarlamaanka Soomaaliya ay dhacdo May 2026-ka.

Hase ahaatee Dhinacyadu waxay ku guuldareysteen nooca doorasho ee Soomaaliya ka dhacaysa 2026-ka inay isku raacaan, iyadoo arintaas loo daayey madaxda DFS iyo dawlad gobaleedyada oo haatan ku shirsan DF

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -