Wasiir Amar Dambe iyo Saraakiil Ciidan oo maanta Su’aalo adag la weediinayo

Guddiga Difaaca Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa maanta su’aalo weediinaya Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Maxamed (Amardambe) iyo Saraakiil katirsan Milatariga.

Wasiirka iyo Saraakiisha kale ee ciidanka Milataruga Soomaaliya ayaa wax laga weediin doonaa dhibaatooyinka Ciidanka Milatariga ku hayaan shacabka gaar ahaan Dilkii ay u geesteen Gabar 9-sano jir iyo Wiil dhalinaro ah.

Ciidamo katirsan Milatariga Soomaaliya ayaa isbuucii hore qeybo kamid ah magaalada Muqdisho waxa ay ugu dileen gabar ardayad 9-sano jir aheyd iyo Wiil dhalinyaro ah oo kamid ahaa Shaqaalaha dowlada Hoose.

Guddiga Difaaca Golaha Shacabka ayaab doonaya in ay Wasiirka iyo taliyaasha Milatariga kula xisaabtamaan dhibaatada ciidanka Milatariga ku hayaan dadka shacabka ee ku dhaqan magaalada Muqdisho iyo sababaha keenay.

Ciidanka Milatariga Soomaaliya oo loogu tala galay Difaaca Qaranka ayaa xiliyada ay Wadooyinka Muqdisho marayaan waxa ay maraka qaar furaan rasaas micno daro ah oo waxyeelo kasoo gaarto dadka shacabka .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -