Diyaarada Israa’iil oo ayaa xalay weerartay bartilmaameed ku dhow qasriga Madaxtooyada ee Dimishiq, waxa ayna Israaíil duqeynta kaddib hawada soo marisay fariin hanjabaad ah oo ku socda maamulka talada Suuriya haya.
Madaxweynaha Suuriya, Axmed Sharac ,ayaa si adag u cambaareyay weerarka gardarada ah ee Israaíil dalkiisa kusoo qaaday, waxa uuna sheegay Madaxweynaha inay Israa’iil isku dayayso inay tijaabiso dulqaadka dawladda Suuriya .
Axmad Sharac, ayaa beesha caalamka ugu baaqday in ay garab istaagaan dowladda Suuriya, isagoo sheegay in weerarrada noocan oo kale ah ay bartilmaameedsanayaan amniga qaranka Suuriya iyo midnimada dadka Suuriya.
Israaíil ayaa marar badan weeraro gardaro ah ka geesatay gudaha Suuriya, hasa ahaatee weerarkan xalay ku qaadeen meel u dhaw madaxtooyada Suuriyada ayaa xaalada uga sii daray, waxa ayna Israaíil u muuqataa mid dooneysa in dagaal la gasho maamulka cusub ee Suuriya,
Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com