Nin Beeraleey Afrikan ah oo abaal marin qaali ah ka helay shirkadda Facebook

Shirkada bulshada kuwada xariirto ee Facebooka ayaa shan qof oo ku nool daafaha Dunida siisay abaal marin lacageed oo qaali ah, waxaana dadkaan abaal marinta la siiyay ku jira nin beeraleey ah oo u dhashay dalka Kenya.

Facebook ayaa shantan ruux midkiiba siin doonta lacag gaareysa Hal Milyan oo Dollar , abaalmarintan lacageed ayaana qeyb ka ah barnaamij ay shirkada Facebook ku taageerto bulshada.

Noah Nasiali  oo ah Nin Beeraley ah oo u dhashay dalka Kenya ayaa noqday ninka kaliya ee Afrika kasoo jeeda ee abaal marintan ku guuleestay, waxa uuna ninkan sameestay bog Facebook-ga ah oo lagu magacaabo ‘Africa Farmers Club.

Barta uu Facebook ka sameeyay ayaa ka caawisa beeraleyda qaaradda Afrika sidii ay u heli lahaayeen xog ku saabsan beeraha taasoo saameyn wanaagsan ku yeelatay, sare-na u qaaday wax soo saarkooda iyo faa’iidadooda.

Shirkada Facebook ayaa sidoo kale 14 qof oo Afrikan ah 5 kamid ahna ay kasoo jeedaan dalka Kenya siisay midkiiba abaal marin lacageed oo gaareysa  50 kun oo dollar, waxa ayna dadkan sameesteen baro badan oo laga faa’iideestay.

Facebook ayaa dadkan kala duwan ee ku guuleestay abaalmarinada ay bixisay bisha soo socota isugu geyn doonta gobolka California ee dalka Maraykanka, halkaasi oo lagu siin doono tababar ay ku wanaajin karaan howsha ay u hayaan bulshada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -